Maxkamad ku taala dalka Canada ayaa dib u dhigtay musaafurinta Muwaadin Soomaaliyeed.
Abdoul Abdi oo ah wiil Soomaali ah kaas oo markiisii hore ku dhashay boqortooyada sucuudi Arabiya ayaa waxa uu qaxooti ahaan uu ku tagay dalka Canada.
Dhawaantan ayay ahayd markii maxkamadd ku taalo dalka canada ay amartay in Abdoal dib loogu celiyo Somalia kadib markii lagu helay eedeemihii loo soo jeediyay.
Hay’adaha xuquuqul aadanaha ayaa waxa ay si wayn u cambaareeyeen go’aanka ay rabto in dowladda dalka Canada ay dib ugu soo celiso wiilkaan Soomaaliga ah.
Abdoul Abdi ayaa lagu eedeeyay dambiyo dil ayadoona maxkamadda dalkaasi ay dib u dhigtay qorsha ahaa in dib loogu soo celiyo Somaaliya, asagoona sheegay Abdoul Abdi oo ah 24 in haddii uu Somalia tago uu ka baqayo in ay wax yeeleeyaan Xarakada Al-shabaab asagoona sidoo kale sheegay in uusan aqoon u lahayn afka Soomaaliga taas oo caqabad wayn ku noqon karta.
Qareenadda iyo ururada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa codsaday in dib loo dhigo go’aanka lagu celinayo Abdoul Abdi taas oo ay maxkamaddu ka aqbashay.