Canada: Meydka Nin Soomaali ah oo laga helay Ottawa

Wararka laga helayo dalka Canada ayaa sheegaya in Wiil Soomaali ah lagu dilay Magaalada Ottawa ee Dalkaasi, kadib weerar ay ku qaadeen koox aan la garaneyn.

Meydka wiilkan ayaa laga helay isagoo ku dhex jira Gaari la dhigay goob baabuurta la dhigo halka loo yaqaan Northview Road, oo u dhow isgoyska Baseline iyo Merivale roads, sida ay sheegeen Booliska magaalada Ottawa, waxaana wiilka la dilay magaciisa lagu sheegay Cigaal Daa’uud oo da’diisa lagu qiyaasay 30 ano jir ah.
Boolisku ayaa sheegay in Meydka ninkan uu goobta yaallay in ka badan 24 saacadood. Laanta Dembi Baarista ee Magaalada Ottawa ayaa sheegtay in baaritaan lagu hayo kiiska dilka wiilka Soomaaliga ah.

Dilalka Soomaalida ayaa joogto ka noqday dalka Canada oo ka mida dalalka sida weyn loogu ugaarsado dhalinyarada Soomaalida ah.