Burcad dhac u gaysatay xarunta Qunsuliyada Soomaaliya ku leedahay magaalada Karachi

 

Waxaa soo baxay warar sheegaya in xalay dhac baahsan loo geystay xarunti qunsuliyada soomaaliya ku leedahay magaalada Karachi ee dalka Pakistan, Ragan dhaca gaystay ayaa la sheegay inay tiradoodu ahayd 7 Nin ayaa lasoosheegayaa inay xarunta gudaha u galeen ayagoona qaatay waxii agab ahaa ee yaalay xaruntaas, sidoo kale waxay ka qaateen kumbiyuuradi, Mobileyada qaaliga ah, iyo lacag 7kun oo Rubees ah, sidoo kale waxay furteen kamirooyinki ku xirnaa xaruntaas.

Sargaal katirsan booliiska magaalada Karachi oo lagu magacaabo Saqib Ismail Memon, ayaa xaqiijiyay dhaca loo geestay qunsuliyada Soomaaliya ee Karachi, waxa uuna tilmaamay in ay socdaan baaritaano ayna ku raad joogaan booliiska ragii burcada ahaa.

Qunsuliyadda Soomaaliya ee magaalada Karachi ayaa la furay 16 ka Bishii hore ee maarso, waxa ayna xilligaas ay ku beegneyd xuska 57 Guurada xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeyay dowladaha Soomaaliya iyo Pakistaan.