Burcad Badeed Soomaali ah oo Maxkamad lagu soo taagay Dalka India

MuwaadiinSoomaaliyeed ayaa ka soo muuqday Maxkamad ku talla Dalka India, kadib markii lagu eedeeyay in ay ka mid yihiin Kooxaha Burcad Badeeda Soomaaliyeed.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegaya in ragaan waqtiga lasoo qabanayey ay faraha kula jireen fal burcad badeednimo ayna doonayyen inay afduubtaan markab ganacsi oo laga leeyahay wadanka Hindiya,.

Ragaan ilaalada badda hindiya ay gacanta kusoo dhigeen ayaa maxkamadayntoodu socon doontaa dhowr maalmood ayadoona aan wax xukun ah wali lagu dhawaaqin.

Sidoo kale, Maxkamada waxaa ka soo hor muuqday muwaadiin kale oo ka soo jeeda Dalalka Kenya iyo Ethiopia, kuwaasi oo loo heysto kiisas ku aadan burcad badeednimo.

©Goobsan  Media