Haweenay horay u taageeri jirtay xisbiga siyaasaddiisu midigta fog jiro ee National Front ee ka dhisan dalka Faransiiska ayaa maxkamad la soo taagay iyada oo loo haysto in ay gacan siisay nin ay kula kulantay xerada qaxootiga ee Calais, kaas oo ay ka caawisay in uu ka talaabo xadka si uu Britain u gaaro.
Béatrice Huret ayaa lagu soo oogay in ay gacan ka gaysatay xad ka tallaabid sharci darro ah iyada oo doon u iibisay lamaanaheeda oo lagu sheegay nin heer Iiraan ah oo magaciisa lagu sheegay Mokhtar.
Isaga iyo labo ruux oo kale ayaa ku guulaystay in ay ka tallaabaan gacanka English iyaga oo caawimaad ka helay iyada.
Haddii lagu helo dambigaas waxaa Huret lagu xukumi doonaa ilaa 10 sano oo xabsi ah.
Waxyaabaha ay maxkamaddu ka baaraan dagayso waxaa ka mid ah in Huret oo uu ka dhintay askari xadka ilaalin jiray ay qayb ka tahay dad abaabulan oo dadka tahriibiya.
Saddex ruux oo kale ayaa wajahaysa eedaymo noocaas oo kale ah
Weriyeyaal ku sugan maxkamada bannaan keeda ayay ku tiri “waan ogahay waxa aan sameeyay” laakiin waxay sheegtay in ficilkaas uu ku qaaday “jacayl dartii”.
Walwalkeeda ugu wayn ayaa ah in aysan arki doonin Mukhtaar haddii la xiro, ayay intaas ku dartay, maadaama oo ay si joogto ah ugu booqan jirtay gurigiisa cusub ee UK.
Qareenkeeda ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in uu maxkamadda waydiisan doono in la laalo dacwadeeda, maadaa ay hawshan ku qaaday banii’aadannimo.
Weriyeyaasha ku sugan maxkamadda Faransiiska ayaa sheegay in ay Huret sheegtay in ficilkaas mar kalana ay u samayn lahayd mukhtaar dartii.
Xigasho:BBC