Boqor aan muslim ahayn oo mishaar u qoray gabdhaha xumaanta ka fogaada

Boqorka wadanka Swaziland King Mswati III ayaa u balan qaaday inuu mishear u qori doono gabartii ka fogaataa waxyaabaha la xariira galmada sababtaas ayuuna ku sheegay in uu uga dan leeyahay siduu u xakameyn lahaa cudurada galmada laga qaado ee ugu horeeyo Aidska.

Wadanka Swaziland waa wadan yar oo bulsho ahaan oo tira dadkiisana ay tahay 1,435,613 Qof (waa hal milyan afar boqol sodon iyo shan kun lix boqol toban iyo sedex) waxaana fara ba’an ku haya wadankaas cudurka dilaaga ah ee Aidska.

Tirada ilaa iyo hadda la xanuunsan cudurkaas ayaa lagu sheegay 270, 000 Qof waana tira badan marka loo fiiriyo bulshada ku nool wadankaas, ayadoo tirada u geeriyootayna lagu sheegay in ka badan  3,500 Qof cel celis ahaan dadka cudurkaas qabo waa boqolkiiba todobo iyo labaatan  27%.

Boqorka wadankaas King Msiwatiga 3aad ayaa sheeegay in dalka Swaziland uu ku jiro xaalad khatar ah oo uu sanad walba kusii badanayo cudurka dilaaga ah dadkana ay saas ku dhamaanayaan saas darted waxa uu balan qaaday in mishear joogta ah la siinayo gabadhii ku adkeysataa xaaladeeda gabadhnimo ilaa inta ay guur ka helayso waxa uuna kula dardaarmay haweenka wadankaas ayaka inay la dagaalami karaan cudurkan ayna ka foojignaadan.

Boqorkan oo ka hadlaaye asagu inuu horay u guursaday 15 xaas ayuu ku sheegay inay sababtu tahay inuu Aids la dagaalamaye oo xaasaska badan ay ka hortag u yihiin damacii kuu gayn lahaa haween xambaarsan Viruska HIV.

Dalka Swaziland waxa uu kaalmaha hore kasoo galay  Dalalka la dhibaateysan Aidska dadkiisa oo yar awgiis oo hadana xadi tiro ah ay ka qabaan Aidska ayuu kaalmahaas kazoo galay 42da wadan ee uu aadku u haleelay cudurkaas halista badan.