Boqolaal qof oo ku geeriyootay Dhoobo kusoo rogmatay.

waxaa goordhow laga soo xigtay Milateriga dalka Columbia in in kabadan 250 qof ay dhinteen kadiib markii dhoobo ay kusoo rogmatay dadkani oo ku noolaa magaalada Mocoa ee koonfurta dalkaasi.
War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska milateriga ayaa sidoo kale lagu sheegay in ku dhowaad afar boqol oo qof ay ku dhaawacmeen masiibadani, Halka boqolaal kalena weli la la’yahay.

waxaa lasoo sheegayaa in halkaasi uu ka socdo gurmad xoogan kaasoo lagu caawinayo dadkii ay musiibadu kasoo gaartay waxaana gurmadkan ka qayb qaadanaya kumanaan dadka wax samata bixiya ah, sidoo kale qoraalkan ayaa lagu sheegay in ku dhowaad 400 oo qof ay ku dhaawacmeen walina la baadi goobayo dad badan oo la la’yahay.

waxaa tacsi soo diraya mas’uuliyiinta dowlada iyo siyaasiyiin, waxa kaloo halkaas gurmad deg deg ah uga dhawaaqay madaxweynaha Dalka Columbia juan Manual Santos.