Boorso lasoo dhigay Wadada oo laga helay Meydka Gabar dhalinyaro ah oo madaxa ka go’an (Sawirro)

Gabar lagu naaneyso Slay Queen una dhalatay dalka Nigeria ayaa meydkeeda oo aan wax madaxa lahayn lagu soo riday boorso waxaana lasoo dhigay wado caan ah oo lagu magacaabo Ugbowo Road.

Falkan naxdinta leh ayaa waxa uu ka dhacay Gobolka Edo State ee dalka Nigeria waxaana Falkan Argagax ka muujiyay Arintaas dadka dekaanka.

Gabartan ayaa dad markii ugu dambeysay waxa ay Saaxiib dhow la ahayd wiil dhalinyaro ah oo u muuqday mid hantiile ah.

Dalka Nigeria ayaa waxa si xawli ah ugu sii badanaya dadka Xubnaha dadka iibsada waxaana loo badinayaa in Ninkii Gabartan dhalinyarada ah Saaxiibka dhow la ahaa uu ka mid ahaa dadka Ganacsiga Nuucaas ku jira.

Ma ahan markii ugu horeysay oo dalka Nigeria ay ka dhacaan falal nuucaan ah inta badana waxaa Ugaarsi gooni ah lagu sameeyaa Hablaha Shukaansi doonka ah, Caruurta, iyo sidoo kale dadka Waayeelada ah, dowladda ayaana ka gaabisay Arrinkan in ay wax ka qabato.

Digniino badan oo loo soo jeediyay Gabdhaha Shukaansi doonka ah ayaa looga digay Ragga ay Xariirka la sameynayaan in ay si wanaagsan isaga hubiyaan foojignaan dheeri ahna ay u yeeshaan qaasatan Ragga dhalinyarada ah ee hadana Hantidu ka muuqato.