Booliska Talyaaniga oo gacanta ku dhigay nin horay uga tirsanaa Burcad Badeeda Soomaalida

Booliiska dalka talyaaniga ayaa xiray 24 jir magangalo doon soomaali ah kaa oo sanadkii 2011-kii lagu eedeeyay in uu afduubtay markab saliida qaada oo marayay  biyaha gacanka Persia.

Markabka iyo shaqaalihiisa ayaa la heestayaal ahaa 10 bilood ilaa laga bixiyo lacag madax furasho ah oo dhan 11 Million oo dollar.

Maxamed Faarax ayaa waxaa gacanta ku dhigay Militiriga qaaska ah ee Carabinieri kadib markii uu codsaday in loo tixigeliyo qaxooti magan galyo doon ah sida booliisku ay sheegeen.
Saraakiisha ayaa isticmaalay mashiin-ka faraha la’isaga qaado si ay u gartaan isaga iyo 50 kale oo ka tirsanaa kooxaha burcad badeeeda kuwaa oo 8 February 2011 afduubtay markab laga lahaa dalka Talyaaniga iyagoo xiligaas isticmaalaya qoryaha fudud iyo bombaanooyinka Atomicada.

Lacagta madax furashada ayaa la sheegay xiligaas in loo gacan geliyay Xarakada Al-shabaab kadib markii 5 u dhalatay dalka talyaaniga iyo 17 u dhalatay dalka india la jirdilay 10-kii bilood ee la heestayaal u ahaayeen kooxaha burcad badeeda.