Booliska Sweden oo gacanta ku dhigay nin gubay Masaajid

Ciidamada booliiska dalka Sweden ayaa qirey in uu jiro nin ay u qabteen dabkii dhawaan la qabadsiiyey masaajid ku yaala Jakobsberg ee degmada Järfälla.

Masaajidkaan la gubey ayaa waxaa lagu magacaabaa masjidka Imaam Cali, waxaana ku cibaadeysta muslimiinta Shiicada ee xaafaddaas dagan.

Afhayeenka ciidamada booliiska Lars Byström ayaa wuxuu yiri isagoo arrinkaas ka hadlaya:

– Qof ayaa maanta arrinkaas loo qabtey, su’aalo ayaana falkaas laga weydiiyey, walina waa la hayaa intaas wax dhaafsiisanna ka sheegimeyno arrinkaan, ayuu yiri afhayeenka ciidamada booliiska dalkaan Sweden Lars Byström.

Dabkaan masjidka la qabadsiiyey ayaa loo aqoonsan yahay in uu ahaa dab la rabey in dad lagu dilo, ciidamada booliiskuna waxay wali wadaan baaritaankiisa.

Falkaan ayaa sidoo kale waxaa faraha la soo galey ciidamada sirdoonka dalkaan Sweden ee Säpo.

Kontomeeyo ciidamada dabdamiska ka tirsan ayaa habeenkii xaley oo dhan waxay la halgamayeen sidii ay dabkaas masaajidka la qabadsiiyey u damin lahaayeen