Booliska North Dekota oo gacanta ku dhigay Lamaane xaday Ilma Caloosha hooyaydood ku jira

Lammaane ku nool gobolka North Dakota ee dalka Maraykanka ayaa lagu soo oogay dacwad ah in ay dileen haweenay uur leh si ay u sheegtaan in ay ilmahaas iyagu dhaleen.

Savanna LaFontaine-Greywind oo 22 jir aha ayaa lahayd uur siddeed billood ah markii la waayay 19kii bishan Agoosto.

Maydkeeda ayaa Axadii laga helay wabiga North Dakota iyadoo bac ku duuduuban, sida uu ku warramay wargeyska Minneapolis Star Tribune oo ay warbaahinta Goobsan kasoo xigatay.

Booliiska ayaa markii hore ku warramay in ay u malaynayaan in gabdha gurigeeda lagu dilay.

Haddase waxaa xabsiga lagu hayaa William Hoehn oo 32 jir ah iyo Brooke Crews oo 38 jir ah iyaga oo loo haysto dilka gabadhaas Uurka lahayd oo loo malaynayo in ay ayagu ilamaha ka xadeen markii ay dileen kadib.

Waxaa la hayaa ilmo yar oo maalmo dhalan oo loo malaynayo in uu yahay kii LaFontaine-Greywind lakiin waxaa laga war sugayaa baaritaanka hido sidaha ee DNA-da loo yaqaanno, sida ay booliisku sheegeen.

Maydka la helay wuxuu soo afjarayaa baaritaan siddeed maalmood socday oo ay wadeen boqolaal dad ah oo mutadawiciin ah, booliiska faderaalka iyo kan gobolka, kuwaas oo baadi goobayay hooyada xaamilada ahayd iyo kalkaaliso caafimaad.