Booliska Netherland oo xiray Nin Xiriir la leh Al-Shabaab

Ciidamada Booliska dalka Holland ayaa xiray nin Soomaali ah oo ay sheegeen in uu xiriir toos ah la leeyahay Al-Shabaabka ka dagaalanta Soomaaliya.

Booliska ayaa sidoo kale tilmaamay in ay muhiim tahay in ninkaasi si deg deg ah Sharciga loo marsiiyo maadaama uu ka tirsan yahay Urur Argagixiso.

Warbixin ka soo baxay Hay’adda Sirdoonka dalka Holland ayaa lagu sheegay in ninkaasi oo da’diisa ay tahay 22 sano jir uu ka mid ahaa Al-Shabaabka ka dagaalama Koonfurta Soomaaliya.

Waxaa laga soo qabtay ninkaasi Magaalada Koonfurta ku taalla Sint-Oedenrode, waxaa iminka gacanta ku haayo Hay’adah ammaanka dalka Holand.

Xeer Ilaalinta Maxkamad ku taalla Magaalada Rotterdam ayaa Warbaahinta u sheegay in illaa iyo hadda ay ku socdaan ninkaasi Soomaaliga ah baaritaano deg deg ah ,islamarkaana aan magaciisa la shaacin.

©Goobsan  Media