Booliska Denmark oo gacanta ku dhigay nin dil ka gaystay Sweden

Sida ay sheegeen booliska dalka Denmark. Waxaa habeenimadii Axadii la soo dhaafay gacanta lagu dhigay mid ka mid ah kooxo todobaadkii la soo Dhaafay dilal ka gaystay dalka Sweden,

Ninkan la qabtay ayaa waxa si weyn u doon doonayay booliska dalka Sweden kadib markii todobaadkii hore uu hormuud ka ahaa koox gaangis ah oo lagu magacaabo Lejonen ay dilal iyo rabshado ka sameeyay Xaafada Kista oo u dhaw Stockholm,

Booliska magaalada Rødby  waqooyiga Zealand ee dalka Danmark oo habeenimadii Axada gacanta ku dhigay ninkan ayaa sheegay inuu socdo wada hadal hoose oo u dhaxeey booliska Sweden si loogu gacan galiyo ninkan la tuhunsan yahay,

8-dii bishan Maarso ayay ahayd markii si bareer ah dil loogu gaystay labo nin  gudaha xaafada Kista.

©Goobsan  Media