Booliska Dalka Zambia oo wacad ku maray inay xiri doonaan dadka sida qaabta daran u labista

Booliska Dalka Zambia ayaa ka dhawaajiyay inay xiri doonaan Dadka xirta sarwaalada aadka u dhuuban isla markaana aadka ugu dhegan jirka waliba waxay sii raaciyeen dadkaas aan beegsanayno waa dadka sarwaalka hoosta ka xirta oo ay muuqdaan nigistooda dadkaas waan xiri doona hadaan ku aragno dhaqankaas foosha xun.

“waxaan ka digaynaa inaan Bulshada lagula dhex joogi karin labiska ceynkaas ah qofki lagu arko waan xiri doonaa waliba lix bilood oo xabsi ah , waana ganaaxi doonaa Rag iyo Dumar midkuu doono ha ahaadee” sidaa waxaa yiri Afhayeenka Booliska Esther Katonga.

waxaa la sheegay sharciga ay soo rogeen ciidan Booliska Dalka Zambia inuu dhaqan geli doono bisha April 1deeda, waxa uuna baaq u diray bulshada reer Zambia inay dhaqan galiyaan amarada lagu soo rogay ayna ka fogaadaan in la xiro lana ganaaxo.

halkaan hoose ka eeg saxiixa Esther katonga