Booliiska Canada oo aqoonsaday Ninkii weerarka ka geystay Toronto

Faisal Hussain, oo 29 jir ah, ayaa ahaa ninkii mas’uulka ka ahaa weerarkii ka dhacay xaafadda Greektown ee Toronto, waxaan la sheegay inuu  ka yimid dalka Pakistaan.

Saraakiisha booliska Toronto, Hay’adda Sirdoonka ee Canada ee Ottawa, iyo sidoo kale Booliska Royal Canadian Mounted Police, ayaa la sheegay in ay dib u eegeen taariikhdiisa.

Sida laga soo xigtay ilaha warfaafinta Canada ee Global News, ayaa sheegtay in laga yaabo qoyska Hussain uu la kulmo caqabado waaweyn, maadaama uu weerar geystay wiilkooda.

 Faisal Hussain walaashiis ayaa la kulantay shil baabuur, halka isaga iyo walaalkiis la dhigay isbitaal, markii ay shil baabuur galeen, waxaana ay sheegeen in wiilkaan uu qabo dhibaato maskaxeed tan iyo sannadkii 2010, sida ay xaqiijiyeen waalidiinta Hussain.

Taliyaha Booliska Toronto, Mark Saunders ayaa sheegay in gabadh da’deedu tahay 10-sano jir iyo gabadh yar oo 18-sano jir ah lagu dilay toogashadii ka dhacday xaafadda Greektown, halka ugu yaraan 13 kale ay ku dhaawacmeen.