Boob loo gaystay Ganacsatada degaanka Soweto ee K/Afrika

Ganacsato Soomaaliyeed oo goobo ganacsi ku lahaa degaanka Soweto ee dalka Koonfur Afrika ayaa boob lagula kacay ganacsigooda, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed.

Dukaamada la boobay ee ku dhexyaala xaafada Soweto ayaa waxa leh dad shisheeye ah oo ka tagay dalalka Afrika, waxaana ka mid ah dad u dhashay dalalka Soomaaliya, Itoobiya, Zimbabwe iyo Pakistan.

Boobkan ayaa xoogeystay kadib markii Dukaan keliya oo ay dadka halkaa degani sheegeen in ninka leh oo Soomaali ah uu toogtay wiil dhawr iyo toban jir ah iyo saaxiibkii oo sida la sheegay damcay in ay Dukaankiisa u dhacaan.

Burcad ku hubeysan Baangado oo u badan dadka degaanka ayaa boob ku bilbaabay Dukaamo ka badan 40, halkaasi waxaa iska hor imaad uu ku dhexmaray Burcada Koonfur Afrikaanka iyo dadka iska leh goobaha ganacsi.

Baraha bulshada ayaa waxaa la soo dhigay muuqaalo muujinaya dukaamo la boobayo iyo dadka qaar oo jirdil wadareed loo geysanayo, iyada oo ay goob joog yihiin Booliska.

Qaar ka mid ah xubnaha Jaaliyadda Soomaalida ee dalkaasi ayaa u soo gurmaday dadkan dhaca loogu geystay degaanada Soweto, waxayna soo bad baadiyeen dhalinyaro Soomaaliyeed oo go’doon ku ahaa dukaamadooda.

Khalalaasaha shisheeye nacaybka ahi Koonfur Afrika kol ba mar buu ka qarxaa, waxaana sii huriya shaqo la’aanta badan iyo saboolnimada heysata dadka u dhashay Koonfur Afrika.

Falalka dilalka ah marka ay dhacaan ma jirto cid la wareyso ama calaalada la horkeeno, maadaama qofka si wadar ah loo dilayo, lana garan karin cida sida tooska ah dilka u geysatay.