Binaali Yildirim oo u tartamaya Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Turkiga

Xisbiga ka taliya Turkiga AK Party waxay u magacaabeen Ra’isul-wasaarihii hore, Binaali Yildirim7 inuu noqdo Murashaxooda Guddoomiyaha cusub ee Barlamaanka Turkiga oo la filayo in bishan July 12-da la doorto.

Madaxa xubnaha Xisbiga AK Party ee ka tirsan Barlamaanka dalkaasi, Naaji Botanji ayaa sheegay inay Binali Yildirim u doorteen Murashaxooda u tartami doono Guddoomiyaha cusub ee Barlamaanka dalkaasi oo ay Mudanayaasha Xissbiga AK Party ku xooggan yihiin, iyagoo ku leh 295 Xildhibaan.

Xilkii Ra’isul-wasaaraha Turkiga ee uu hayeyBinali Yildirim ayaa meesha laga saaray, kadib, markii Turkiga qaaday Nidaamka Dowladnimo ee Madaxweyne Fulineed oo awood badan leh