Bartii Twittter-ka Tv ga Al-Jazeera oo hawadda laga saaray

Barta Twitter-ka ee Telefeshin-ka Al-Jaziira qeybta luuqada Af-Carabiga ayaa hawadda laga saaray maanta, sida TV-gga uu baahiyay.

“Twitter-ka Al-Jazeera ee @ajarabic, hadda ma shaqeynayo oo waa la xanibay, sababta arrintasi loo sameeyay ayaa waxaa ay u muuqataa Olole la soo qaban-qaabiyay, waxaan ku dadaaleynaa sidii dib loogu soo celin lahaa”, sidaasi waxaa Twitter-ka qeyb-ta luuqada English-ka kusoo qortay Al –Jazeera.

Xiisada u dhexeeysa waddamada Khaliij-ka ayaa waxaa la sheegayaa in ay saameeyn ku yeellatay TV-gga, maadaama uu yahay Telefeshin-ka ay maamusho dowladda Qatar.

Dabayaaqada bishii May, website-ka shabakadda Warbaahinta (Al Jazeera Media Network) ee fadhigeeda dhexe uu ku yaallo magaalladda Doha ee caasimadda dalka Qadar, ayaa laga mamnuucay qaar kamid ah wadamadda Khaliijka, sida Sacuudiga iyo dalka Imaaraadka Carabta, sida dowladdaha ay sheegeen.

Afhayeenka hay’adda sharci dejinta isgaarsiinta dalkasi, ayaa sheegay in ay ka warqabaan sababta looga joojiyay Al jazeera dalkaasi ayna baaritaano wadaan.

Telefishinka Aljazeera waxa la asaasay sannadkii 1996-dii, waana Warbaahinta Telefishin ee ugu horreysay ee Dunida Carabta ee laga baahiyo Waraarka iyo Doodaha Tooska ah.