Banaanbax looga soo horjeedo Xariga Qalbi dhagax oo ka dhacay London (Sawirro)

Qaar ka mid ah Soomaalida Kunool Magaalada London ee Caasimadda Britain ayaa dhigay Banaanbax ballaaran oo ay kasoo horjeedaan dhiibitaanka Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.

Soomaalida ayaa ku hor banaanbaxay Safaaradda dowladda Itoobiya ee ku taalla Magaalada London.

Waxa ay wateen Boorar ay ku qoran yihiin Erayo looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya.

Arrinta Qalbi dhagax ayaa noqotay mid aad u kicisay shucuurta soomaaliyeed isla markana Xiisad deganaasho la’aan ka dhex abuurtay siyaasiyiinta, Madaxda Xukuumada Soomaaliya, iyo Baarlamaanka Waxaana maanta kiiska Qalbi dhagax loo xil saaray Guddi Baaritaan ku sameeya Sida ay wax yihiin iyo Xaqiiqooyinka ku salysan Arrinta Qalbi dhagax.