Baarlamaanka Itoobiya oo Liiska Argagaxisada ka saaray Ururada Hubeysnaa ee ka jiray dalkaas

Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa fadhi degdeg ah oo goor dhow yeeshay ku ansixiyay qaraar ay Golaha wasiirada u soo gudbiyeen, kaasoo ahaa in liiska argagixisada laga saaro ururada hubeysan ee mucaaradka ku ahaa dalkaas.

Xubnaha Baarlamaanka ayaa si aqlabiyad leh u meel mariyay qaraarka liiska Argagixisada looga saaro Ururada Ginbot 7, OLF iyo ONLF.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay, markii maalin ka hor Golaha Wasiirada Itoobiya isku raaceen in liiska argagixisada laga saaro ururadaas, taasoo qeyb ka ah qorshaha is bedelka uu qaaday Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.

Boqolaal maxaabiis oo u xirnaa siyaasadda ayaa dhowaan laga sii daayay xabsiyada Itoobiya, kuwaasoo u badnaa siyaasiyiinta mucaaradka.

Itoobiya ayaa horay u aqoonsatay ururada Ginbot 7, OLF iyo ONLF inay yihiin ururo argagixiso ah oo qatar ku ah Ammaanka Qaranka Itoobiya.