Baarlamaanka Israel oo aqbalay in la ansaxiyo sharci diidaya in masaajidadu ay adeegsadaan cod baahiyayaasha

Waxa golaha baarlamaanka Israel shalay Arbacadii ka dhacay muran cadho badan dhaliye, ka dib markii goluhu mabd’a ahaan u aqbalay in la ansixiyo xeer mamnuucaya cod-baahiyeyaasha goobaha diimaha.

Laba faqradood oo lagu sheegay “xeerka eedaanka” ayaa saamayn doonta eedaanka salaadda Muslimiinta, waxaana wareegii hore ee codaynta lagu meel mariyey aqlabiyad aad u yar.

Xildhibaannada Carabta ah ee golaha ka tirsan ayaa qaarkood jeex jeexeen intii dooddu socotay nuqullo ka mid ah xeerka la soo bandhigay.

Ka hor inta aan xeerkan qabyada ahi sharci ahaan u dhaqan gelin waxa loo baahanyahay in dood kale laga yeesho.

Qayb ka mid ah xeerkan qabyada ahi waxay dhamaan goobaha cibaadada ka mamnuucaysaa in ay adeegsadaan cod-baahiyeyaasha inta u dhaxaysa 11:00 habeenimo ilaa 07:00 aroornimo ee wakhtiga Israel. Qaybaha kalena waxay mamnuucayaa adeegsiga cod-baahiyeyaasha markasta oo “codkooda aadka u dheer loo qaadan karo in ay dadku dhibsan karaan.”

Muwaadiniinta Carabta ah ee Israel oo loo yaqaan Carabta Israel ayaa ka isirran 160,000 oo qoys oo ah Falastiiniyiintii ku nagaaday dhulka kadib markii la aasaasay dawladda Israel sannadkii 1948. Waxaanay bulshada Israel ka yihiin 20%.

Ku dhawaad 80% Carabta Israel waa Muslimiin, inta kalena waxay qiyaas ahaan tiro is leeg ugu kala qaybsan yihiin Masiixiyiin iyo Druze.