Baarlamaanka dalka maraykanka oo weydiiyey donald Trump cadaymo ku aadan eedaynta obama.

Baarlamaanka dalka Mareykanka ayaa Madaxweyne Donald Trump u qabtay maanta oo isniin ah in ugu dambeyn uu ku keeno cadeymo muujinaya eedeyn culus uu dhawaan usoo jeediyay Madaxweynihii hore ee dalkaasi Brack Obama.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ku eedeeyay Brack Obama in uu si sharci daro ah u dhagestay telfoonkiisa gaarka ah xiligii uu socday ololaha doorashada dalkaasi , waxaana xiligaasi Obama uu ahaa Madaxweynaha Mareykanka.

Donald Trump ayaan wax cadeymo ah oo ku aadan eedeynta uu u jeediyay Brack Obama ee ku aadan in telfoonkiisa dhageestay soo bandhigin, waxa ayna arintan xiisad siyaasadeed ka abuurtay gudaha dalka Mareykanka.

Xildhibaanada labada aqal ee dalka Mareykanka ayaa ka dalbaday Madaxweyne Donald Trump in uu keeno cadeymo muujinaya dambiga uu ku eedeeyay Brack Obama, waxaana laga sugayaa Donald Trump in uu jawaab siiyo Baarlamaanka labada Aqal.
Hay’ada Danbi baarista Maraykanka FBI -da ayaa horey u sheegtay in waxbo kama jiraan ay tahay eeda Trump u jeediyay Obama , FBI ayaana ka codsatay Wasaarada Cadaalada inay si cad u qirto inaysan jirin hadalka Trump kasoo yeetay.

Madaxweyne Donald Trump oo lagu tilmaamo nin fud fudud ayaa la sheegay in uu ku deg degay eedeynta uu u jeediyay Madaxweynihii hore ee Mareykanka Brack Obama, waxa ayna dadka Mareykanka ka warsugayaan cadeynta uu la yimaado Trump.