Baarlamaanka Dalka Jarmalka ayaa waqtiga u kordhiyay ciidanka ka jooga Dalka Soomaliya.

waxaa soo baxaya warar sheegaya in Golaha Barlamaanka Dalka Jarmalka ay Khamiistii Shalay ahayd meel mariyay qaraar muddo Sanad ah loogu kordhinayo tababarayaasha u dhashy Dalka Jarmalka ee jooga Soomaaliya.

Barlamaanka Dalkaasi ayaa sidoo kale oggolaaday in 20 Askari oo dheeraad ah loo soo diro Soomaaliya si ay uga biiraan 11-ka Macallin ee ka jooga Soomaaliya, kuwaasoo Leyliya Ciidanka xoogga Dalka.

sida la ogsoonyahay ciidanka somalia jooga ee jarmalka ahi waa 11 macalin oo tababarayaal ah, waxaa sidoo kale jira wadamo kale oo yurub ah kuwaasoo saraakiil macalimiin ah usoo diray somaliya oo mudadan horumar dhanka ciidanka ah laga dareemayo.

Barlamaanka Jarmalka ayaa Go’aankan lagu kordhinayay Waqtiga tababarayasha ku sababeeyay in xasillooni daro ka dhacda geeska Afrika ay qatar ku tahay Amniga Yurub.

Dowladda Jarmalka waxay sheegtey in tan iyo horraantii 2010-ka ay tababaraasha ka socda midowga Yurub leyliyeen 5400 Askari oo Soomaali ah, kuwaasoo dagaal kula jira Ururka Al-Shabaab.