Askari Daacish ah oo Guursaday Gabar ka tirsan FBI_DA Mareekanka (Sawiro)

War bixin uu markii hore soo saaray Press Tv oo laga leeyahay Dalka Iran ayaa sheegtay in Gabar ka tirsan turjumayaasha FBI-da  mareekanka ay jacayl u qaaday wiilka horay fanaanka u ahaa ee Deso Dogg kaasoo markii uu soo islaamay ku biiray Ururka Daacish ee ka dagaalama Suuriya iyo Ciraaq.

Arintan ayaa ugu dambeyn laga ogaaday caalamka gaar ahaan warbaahinta ka howl gasha gudaha Mareekanka iyo Jarmalka ayaa aad usii baaray arintan ku saabsan xariirka u dhaxeeya Deso Dogg iyo Daniele Greene.

Fanaankaan oo lagu magacaabi jiray Deso Dogg waa Madawga Jarmalka ku dhashay , Hooyadiis ayaana Jarmal ah wuxuu qaadi jiray heesaha Rap-ka ah , kaas oo markii uu kooxda Daacish ku biiray la baxay magaca ah (Abuu Talha Al Almaani ) .

Daniele Greene ayaa loogu diray inay baaritan kazoo sameyso dhankaas iyo Suuriya ayadoo  si hoose ula xariireysa  dadka la doon doonayo uu kamidka ahaa Deso Dogg.

Deso Dogg ayaa guursaday Daniele Green oo u dhalatay dalka Mareeykanka waliba ka tirsaneed sirdoonka dalka Mareeykanka ee FBI-da

. Daniele Green oo hadda dib ugu soo laabatay gudaha dalka Mareeykanka , taas oo ka timid dalka Siiriya ayaa waxaa su’aal la geliyay bad qabkeeda caafimaad ayadoona su’aalo dhowr ah lagu weydiiyay  maxkamadda Washignton DC.

Ayadoo kal fadhi badan laga yeeshay maxkamadaas balse ugu dambayn ayaa lagu xukumay xabsi  2 sano ah.

Daniele Greene ayaa sheegtay inaysan jeclayn inay ka hadasho kiiskeeda ayadoo warbaahinta CNN siisay waraysi gaaban.

Mar wax laga weydiiyay taliyaheedi qaybta ay ka tirsaneed ayuu ka gaabsaday inuu ka jawaabo asagoo sheegayna inuusan wax badan kala socon tan iyo markii loo diray baaritaanka una sheegay warbaahinta inay madaxeeda ka maagtay inay guursato nin argagaxiso ah.

Dad badan oo ka hadlay arintaas ayaa sheegay inay ka cabsi qabaan inay sir badan u sheegtay ninkeeda Deso Dogg oo Daacish ka tirsan ayna mudantahay in ciqaab adag la marsiiyo Daniele Greene.