Askar lagu laayay Burkinafaso iyo kuwa kale oo la dhaawacay

Toban Boliis ah ayaa ku dhimatay Saddex kalena dhaawcyo ayaa kasoo gaaray, weerar gaadma ah oo ay Debleey ka geysteen Waqooyi bari ee Dalka Burkina Faso, sida ay sheegtay Wasaaradda amniga ee Dalkaasi.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda amniga ee Burkina Faso ayaa sidoo kale lagu sheegay in Askarta la laayay ay la socdeen Koox Baabuur ah oo ka ambabaxday Gobolka Toeni, iyagoo kusii jeeday Tuulo ku dhow Degmada Dedougou.

Saraakiishan ayaa ku sii jeeday Tuulada Loroni, oo ku dhow xadka Dalka Maali, halkaas oo kooxo Hubeysan ay weerar ku qaadeen, iyagoo gubay  Iskuul halkaasi kuyaal, sida Ilo ku dhow wasaaradda amniga ay u sheegeen Wakaaladda Wararka ee AFP.

Laba ka mid ah Askarta la dhaawacay ayaa xaaladdooda Caafimaad laga deyrinayaa , kuwaas oo loo qaaday Isbitaal ku yaalla Degmada Dedougou, sida ay Wasaaraddu sheegtay.

Dalka Burkina faso ayaa Saddexdii Sana ee lasoo dhaafay wuxuu marti gelinayay weerarro dhimasho badan sababay, waxanay shaqaaqooyinkan ku faafeen qaybo badan ka mid ah Dalka iyo xuduudda Waddamada Togo iyo Benin.

Ma jirto cid sheegatay weerarkan ugu dambeeyay, balse waxaa loo malaynayaa in ay ka dambeeyaan Kooxo Islaamiyiin ah oo qaarkood Gacansaar la leh Ururka Al-Qaacidda.

Kooxahan mintidiinta ah ayaa la rumeysan yahay in ay ka dambeeyeen weerarro badan oo Dalkaasi ka dhacay, kuwaas oo sababay dhimashada in ka badan 255 Qof, tan iyo Sanaddii 2015-kii.