Ardey Soomaali ah ee lagu la’aa Dalka Bangaladesh oo isku dhiibay Booliska.

Ardey Soomaaliyeed oo muddo sanad ah lagu la’aa gudaha Magaalada Dhaka ee Caasimadda Dalka Bangaladesh ayaa isku dhiibay Booliska Dalkaasi.

Ardeyda ayaa u sheegay Booliska ay in isaga tageen Jaamacaddii ay dhiganayeen oo ay dhuunteen kaddib markii ay awoodi waayeen lacagta lagu dhigto Jaamacadda ay ka tirsanaayeen.

Waxaa ay raalli gelin ka bixiyeen gefka ka dhacay,sidoo kale Booliska ayaa ardeyda kula taliyay in mustaqbalka aysan gelin gef noocan ah islamarkaana u hoggaansamaan Sharciyada dibadda ee dalka Bangaladesh.

Shan ka mid ah Ardeyda ayaa tagay Saldhig Boolis oo ku yaalla Magaalada Dhaka ee Caasimadda Bangaladesh,isla maalintii Isniinta ee ay isdhiibayeen waxaa ay sidoo kale tageen Jaamacaddii ay ka hareen ee IUBAT.

Ardeydan oo markii hore todobo ahaa ayaa waxaa ay mar qura isaga baxeen Jaamacadda IUBAT,waxaana mid ka mid ah uu ku biiray Jaamacad kale iyada oo muddo sanad ah la la’aa halka ay jaan iyo Cirib dhigeen.

Wargeyska Dhaka Tribune ee ka soo baxa caasimadda Bangaladesh ayaa Axaddii daabacay in Lix Ardey Soomaali ah la la’yahay muddo sanad ah kuwaas oo aan la ogeyn halka ay qabteen.
Jaamacadda ay dhiganayeen ee IUBAT maamulkooda waxaa uu sheegay in Ardeydaas baasaboorradooda ay dhaceen islamarkaana ay ku wareejiyeen laanta socdaalka Bangaladesh.

Mazedur Rahman,waa madaxa Jaamacadda IUBAT ee ay ardeydan dhiganayeen waxaa uu sheegay in ay isdiiwaangeliyeen sanadkii 2016kii,markii ay dhameysteen hal samister-na ay waayeen,dhowr jeer oo ay xiriirkooda raadiyeenna ku fashilmeen.

Sharciga Bangaladesh ma oggola Ardeyda Ajannabiga ah in ay beddeshaan Jaamacadaha iyaga oo aan oggolaasho ka heysan Jaamacadda 1aad ee ay iska diiwaangeliyeen.

Source: Mustaqbal Radio/ Dhaka Tribune