Amaanka magaalada baydhabo oo la adkeeyay

Amaanka magaalada baydhabo ayaa aad loo adkeeyey iyo gaadiidka dadweynaha oo loo sheegay inay dhaq dhaqaaqa yareeyaan. Waxaana la filayaa in goordhow uu gaaro ra’isal wasaare Xasan Cali Khayre taaso ay u noqoneyso haduu tago Baydhabo safarkiisi ugu horeeyay tan iyo marki xilka ra’isal wasaaranimada loo ansaxiyay.

Safarkaan uu ku tagayo baydhabao mudane Khayre ayaa lagu sheegay inuu kusoo qiimeynayo xaalada abaaraha aadka u daran ee ka jira gobolada Bay iyo Bakool.

Sidoo kale abaartu waxay ka jirtaa guud ahaan wadanka Somalia ayadoo ay u geeriyoonayaan dad iyo duunyaba.