Alshabaab oo weerar gaadmo ah ku qaaday kenya isla markaana afduubatay askar Kenyan ah

Alshabaab ayaa weerar gaadmo ah ka geysatay degaan u dhow magaalada Mandhera oo lagu magacaabo Cumar jilicow.

Inta la xaqiijiyay seddex Qof ayaa dhimatay waxaana la la’yahay Labo ka mid ah Booliska Kenya ka dib markii Weerar lagu qaaday ciidan ku sugnaa degaankaas.

Kooxo hubeysan ayaa la sheegay in ay Weerareen Saldhig ay leeyihiin Booliska Kenya islamarkaana ay Afduubteen Ciidamo ka mid ah Booliska Kenya,.

Sarkaal Sare oo ka tirsan Ciidamada Kenya ayaa Warbaahinta u sheegay in Weerarkaasi ay ka dambeeyeen Al-Shabaab.

Askarta Kenyanka ayaa hadda ku mashquulsan raadinta askarta la waayay kuwaas oo loo badinayo inay ku jiraan gacanta kooxihii weerarka soo qaaday.

Ururka Alshabaab ayaa weeraro sidaan la mid ah ka gaysta gudaha magaalooyinka ay ku suganyihiin askarta Kenyanka.