Alshabaab oo kusii fidaya Gudaha Kenya iyo degaano cusub oo ay galeen

Kooxo hubeysan oo lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa lagu arkay degaano ka mid ah gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya sida ay sheegeen Warbaahinta dalkaasi.

Dagaalyahanada hubeysan ayaa sheegay in ay kasoo gudbeen xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Qaar ka mid ah dadka ku sugan Xadka Soomaaliya ay la wadaagto Kenya ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalyahano hubeysan ay xadka ka gudbeen ,islamarkaana ay aadeen dhanka Kenya.

Qaar ka mid ah dadka kunool degaanada hoos yimaada Magaalada Mandera ayaa waxaa soo wajahday cabsi xooggan,maadaama ay suurtagal tahay in Weeraro lagu soo qaado degaanada ay jooggaan.

Taliyaha Ciidamada Booliska Kenya ayaa warbaahinta u sheegay in ay la socdaan Wararkaasi ayna ka feejigan yihiin weeraro ay geystaan Al-Shabaab.

Dhawaan ayay aheyd Markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen degaanka Cumar Jilicow ee gobolka Waqooyi Bari ,halkaasina ay ku dileen Askar Kenyaan ah iyo gudoomiyahii degaankaas.