Allaha U Naxariisto Cabdi Tahliil Warsame oo Muqdisho Ku geeriyooday.

Cabdi Tahliil Warsame ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho oo uu in muddo ahba ku xanuusanaa. 

Sannadkii 1952 ayuu marxuumka ku dhashay Wardheer. Aabihii Tahliil Warsame Cigaal wuxuu ka mid ahaa ciidammadii xoogga dalka Soomaaliyeed.

Cabdi wuxuu fanka ku billaabay inuu Giitaar tumo.

Isaga oo weli barta balse aan darajo fiican ka gaarin ayuu dhammaadka sannadkii 1968 waxa uu markii koowaad qaaday heesta.

“Jirjirkiyo dartaa baan 

Jeegada u aalla 

Jalkii qaadan waayey”

Waxaa heestaasi allifay Sulub Cumar Axmed oo lagu xasuusato qisooyinka faneed ee jacaylka salka ku haya ee suugaanta Soomaalidu in badan ay tebisay.

Waxaana ugu xigay shan hees oo uu dhammanatood isaga laxameeyay midkastana ay caan noqotay kuwaasi oo kala ah:

  • Onkod
  • Xoodaamo
  • Yaxyax 
  • Wardheer 
  • Gaaraabidhaan

Cabdi Tahliil Warsame , isaga oo fannaan ah, ayuu sannadkii 1971 oo ahayd markii ugu horreysay ee la furay tartankii heesaha hirgalay wuxuu ka mid noqday fannaaniintii lagu furay tartankaasi. Fannaaniinta kale ee kala qeyb qaadatay tartankaasi waxaa ka mid ahaa; Cumar Nuur Cabdille, Cabdullaahi Cumar Xarrago jecel/Xarrago, Xasan Aadan Samatar , Cabdi Xasan Dige , Muuse Ismaaciil Qalinle, Muxsin Maxamed Cabdalle oo isagu hore Ethiopia uga heesi jiray iyo Ruqiya Cali Guutaale. 

Gaarkiis ayuu u heesayay

Tartankaasi ka dib, Xasan Aadan Samatar oo keliya ayaa loo qaatay kooxdii Waaberi , ka dibna Cabditahliil si gaarkiisa ah ayuu u heesi jiray. Ka dib wasaaradda maaliyadda ayuu shaqaale ka noqday, isaga oo noqday maamulka xisaabaadka gobolka Bari, waana sababta uu uga heesay hannaanka shaqo ee xafiisyada dowladda iyo nidaamka loo baahanyahay in dadka loogu adeego.

Mar kale wuxuu fanka Cabdi Tahliil sii labakacleeyey markii ay soo baxday heesta ” May hiilinaysaa” oo ay wadaqaadeen Shankaroon Axmed Yusuuf (Sagal) , waxaana erayada heestaasi lahaa Abwaan Maxamed Aadan Dacar.

Fan ahaan wuu iskufillaa madaama uu ahaa Mullaxan iyo Kabaniiste heesihiisa isagu tuman kara. 

Cabdi Tahliil heesaha uu qaaday badankooda waxay ahaayeen kuwa keli-keli ah, marka laga reebo in kooban oo uu la qaaday Marwo Maxamed Cabdi, Shankaroon Axmed Yusuuf iyo Faadumo Duur oo ay iyada kuwada noolaayeen gobolka Bari ka hor intii aysan Faadumo u soo wareegin kooxdii Heegan ee ciidanka Booliska.

Kooxda Waaberi

Cabdi Tahliil Warsame wuxuu la shaqeeyeeyey kooxdii dhallinyarada ee Danan, ka dibna horraantii sideetamaadkii ayuu ku biiray kooxda Waaberi. Waxaa mar kasta fankiisa Udub dhexaad u ahaa ka heesidda Waddaniyadda sida heestiisa ” Soomaaliya Soomaali baa leh” Waxayna waddaniyaddu ahayd wixii u dambeeyey ee uu ka heeso sannadkii 2008 oo uu soo saaray heesta. 

Taariikhaha is guray 

Gudubtada xilliga 

Haddii maanku gudhay 

Gefka lama saxee

Go’eey yaa ku jiray ?

Lixdankii Gobaad 

Waatii loo godloo

Habeen tagay geeddii

Geblo loo tumoo 

Gool loo qalee

Gobanimadayada wixii naga gambiyey

mala garanayaa?.

Carruurtiisa

Cabdi Tahliil wuxuu dhalay 17 ubad ah, oo 13 ka mid ahi ay hadda noolyihiin kuwaasi oo Afar ka mid ahi ay fannaaniin yihiin (Maslax, Samsam, Muuna, Xamdi ) 

Sannadkii 2000 markii uu socday shirkii Soomaaliya dowladnimada loogu raadinayey ayuu Cabdi Tahliil ku xanuusaday magaalada Carta ee dalka Jabuuti, xanuunkaasi oo marxalado kala duwan la soo maray ayuu ugu dambayntii 20 sanno ka dib ugu geeriyooday Muqdisho.

Alle ha janneeyo.

W/ Qoray: Cumar Seerbiya