Al-Shabaab oo sabab u noqday in ay xirmaan Kaniisado

Sida ay Shaacisay Warbaahinta dalka Kenya boqolaal qof oo Masiixiyiin ah ayaa ka cararay Kaniisado ku yaalla gobolada ku yaalla dhanka Xeebta ee dalka Kenya Cabsi ay ka qabaan in ay beegsadaan dagaalyahanada Al-Shabaab.

Meelaha ugu badan ee dadkaasi ka qaxeen ayaa waxaa ka mid ah Magaallo xeebeedka Laamu ee dalka Kenya.

Qaar ka mid ah dadkaasi ayaa sheegaya in qaarkood horay ay u dileen Al-Shabaab , islamarkaana goobihii ay ku cibaadeysan jireen ay xirmeen.
Fr. Peter Kariuki oo ka mid ah Wadaadada Masiixiyiinta ah ayaa sheegay in Al-Shabaab ay kordhiyeen dhibaatadda ay ku hayaan Masiixiyiinta , islamarkaana ay si gaar ah u beegsanayaan.

” Waa ay naqabanayaan waxay na waydiinayaan , waxa aan nahay Muslim iyo  Christians hadii ay ogaadaan inaan nahay  Christians si xun ayay noo dilayaan” ayuu yiri Fr. Peter Kariuki.

Bilihii lasoo dhaafay ayaa waxaa dhacayay Weeraro ay sheegteen Al-Shabaab Mas’uuliyadood, islmarkaana lagu dilay dad badan oo Masiixiyiin ah.

Horaantii Bishaan ayaa 9 qof oo la gowracay laga helay degaan u dhow Laamu, waxaana la sheegay in falkaasi ay ka dambeeyeen Al-Shabaab.