Al-shabaab oo mar kale weerar qasaare geystay ka fuliyay Lamu

Dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab ee ka howlgala gudaha wadanka Kenya ayaa markale weerar ku qaaday ciidamo katirsan booliska wadanka Kenya.

Wararka ka imaanaya Kenya ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay weerar ku qaadeen ciidamo katirsan booliska xilli ay ku socdaalayeen wadada xiriirisa deegaannada Wittu iyo Gamba oo kawada tirsan Gobolka Xeebta ah ee Lamu.

Bogaga Baraha Bulshada ay Al-Shabaab ku leeyihiin ayaa lagu sheegay in weerarka lagu gubay gaari oo ay wateen ciidamada Booliska Kenya islamarkaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac oo gaaray ciidamada la weeraray.

Al-shabaab ayaa sheegtay in ay gubeen Gaari ay la socdeen Booliska la weeraray oo marayay wadada xriirisa Wittu iyo Gamba ayaa lagu sheegay war kasoo baxay Al-shabaab.

Dhanka kale warbaahinta maxalliga ah ee Kenya ayaa sheegtay in laba askari oo booliska katirsan ladilay tira kalana ay dhaawacmeen kadib weerar jidgal ah oo gobolka Lamu ka dhacay.

Weeraradan ayaa imaanaya xilli ammaanka Kenya si aad ah loo adkeeyay islamarkaana munaasabad lagu caleema saarayay Uhuru Kenyatta ay ka dhacday magaalada Caasimadda ah ee Nairobi.