Al-Shabaab oo Hub iyo Gaadiid ka xaday Kenya isla Markaana ku fuliyay weerar Qasaaro geystay

Shan Askari oo ka tirsan ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa lagu dilay weerar dhaba gal ahaa oo Dagaalyahano la aaminsan yahay in ay ka tirsan yihiin xarakada Al-Shabab ay ka geysteen Ismaamul Goboleedka Gaarisa.

100 nin oo xagjiriin ah ayaa la sheegay in ay xadeen hubka iyo gaadiidka ciidamada Kenya ka dibna ku weerareen deegaan lagu magacaabo Alijize oo dhaca wadada xiriirisa Degaanka Bodai iyo Degmada Ijara, sida uu sheegay sarkaal Boolis ah oo diiday in magaciisa la sheego.

Sargaal ka badbaaday weerarkan ayaa sheegay in Gaariga ay ku socdaalayeen uu haleelay Qaraxa kaasi oo burburay, Askartan la weeraray ayaa tiradooda la sheegay in ay ahaayeen Todobo Askari, kuwaasi oo howlo Roondo ah Ka waday aagaasi.

Saraakiisha Ammaanka ee Dowlad Goboleedka Gaarisa ayaa sheegay in Ciidamo badan loo daabulay Degaankaas hoosyimaada Degmada Ijara ee u dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Lamaha ammaanka dalka Kenya ayaa shalay soo saaray cabsi ku aadan amniga, waxaana Ciidamo badan la soo dhoobay magaalooyinka waa weyn ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya, si looga hortago falalka la xiriira amni darada.

Weerarkan ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay ee ka dhaca dalka Kenya kadib doorashadii madaxtinimo ee 8-dii bishan ka dhacday dalka Kenya ee uu ku guulaystay Madaxweyne Uhuru Kenyatta.