AL-Shabaab oo dalka Mozambique ku dilay 90 Ruux

Mas’uuliyiinta Mozambique ayaa shaaca ka qaaday in illaa 90 ruux oo rayid ah lagu dilay, tan iyo markii Koox Islaami ah oo la baxday Al-Shabaab ay weeraro ka bilaabeen dalkaas sanadkii hore.

Kooxdan la baxday Al-Shabaab ayaa weeraro xiriir ah ka geystay Gobolka Waqooyiga ku yaal ee Cabo Delgado oo hadda noqday gobolka ugu halista badan.

Taliyaha Booliska Mozambique Bernadino Rafael ayaa sheegay in kooxdan la baxday Al-Shabaab ay dileen illaa 90 ruux, halka 70 kalena ay dhaawac u geysteen, tan iyo markii Kooxdan bilowday weerarada sanadkii hore.

Waxaa uu sheegay inay haatan xakameeyeen dhaq dhaqaayada kooxdan jihaad-doonka ah, isla markaana ay soo xireen illaa 280 dagaalame, kuwaasoo 180 ka mid ah la soo taagay Maxkamad.

Kooxda la baxday Al-Shabaab oo la aas aasay sanadkii 2015 ayaa gubay in ka badan 1,000 guri, sidoo kale waxay weerareen xarumo boolis iyo goobo dadka rayidka u badan yihiin.

Lama oga in kooxdan ay xiriir la leedahay iyo in kale Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.