Ciidamada Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday degaanka Gaamba oo ka mid ah degaanada hoos yimaada gobolka Taanarifa ee dalka Kenya.
Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Kenya ayaa xaqiijiyay in Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen degaankaasi oo ka mid ah goobaha ay saldhigyadda ciidan ay dowladda Kenya ay ku leedahay.
Waxaa uu sidoo kale uu ka gaabsaday in uu faahfaahin ka bixiyo khasaaraha ka dhashay Weerarkasi.
Al-Shabaab ayaa dhankood sheegtay in ciidamo ka tirsan ay weerar ku qaadeen degaankaasi,islamarkaana ay si gaar ah u beegsadeen xarunta Shirkadda Korontadda ee degaankaasi.
Waxaa ay sidoo kale sheegeen in ay burburiyeen Dhismayaal dowladda Kenya ay ku leedahay degaankaasi.
Al-Shabaab ayaa laba jibaaray Weerarada ay ku qaadayaan gudaha dalka Kenya tan iyo markii ciidamada dowladda Kenya ay soo galeen Soomaaliya.