Akhriso: Warbixin Mareykanka uu ka soo saaray xaaladda Soomaaliya

War ka soo baxay taliska ciidamada militariga Mareykanka ee Afrika ee (Africom) ayaa siweyn loogu ammaanay rajada dowladnimo ee Soomaaliya,iyadoo warbixintaasi lagu sheegay in hoggaanka cusub ee Dowladda Soomaaliya uu yahay midka ugu wanaagsan ee dhinaca rajada horumarineed ee dalka Soomaaliya oo ay ku tilmaameen in uu soo afjari dooni marxaladah adag ee dalka uu kujiro.

Militariga Mareykanka ee Afrika ayaa dowr weyn ku leh howlgalada ballaaran oo lagula dagaalamaya maleeshiyada Shabaab,iyagoo xoojinaya ciidanka Xoogga Dalka oo dagaalka kula jira SHabaab.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in dowladda cusub ee Federaalka Soomaaliya ay dadaal kasta ku bixinayso sidii nabad iyo xasilin waarta loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya,islamarkaana Dowladda Mareykanku ay sii wadi doonto taageeradeeda ku aadan dhismaha ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

“Siyaasadeenu waa in aan taageerno dadaalad aay hormuudka ka tahay Dowladda Soomaaliya ee ah in horjoogayaasha iyo maleeshiyada Shabaab lagu dhiiro-gelinayo in ay is soo dhiibaan, lana soo afjaro Shabaab,anagana taageero ayaan la garab taaganahay dowladda.’’ Ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay Africom.

Taliska Militariga Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in ilaa 9 weerar ay fuliyeen bishii tagtay,taasi oo tirade guud ka dhigaysa 30 weerar oo la qaaday sanadkan,iyadoo mareykanka uu kordhiyay weerarada lagu bartilmaameed-sanayo Alshabaab.

Gen. Thomas Waldhauser oo ah taliyaha ciidamada Militariga Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa sheegay in hadafka uu damacsanyahay Mareykanka uu yahay sidii loo heli lahaa dhul nabad ah,dib u heshiisiin iyo dowladdu ay cageheedi isku taagto.

Thomas Waldhauser ayaa yiri,”Sababta ku ka lifeyso Mareykanka in uu bixiyo dadaaladan ayaa ah in rajada laga qabo dowladda cusub oo uu hogaaminayo madaxweynaha Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ay noqoto mid isku soo celisa midnimadii Soomaaliya,maadaama dalka uu ku jiray xaalada bur-bur ah oo muddo ku dhow 30 sano,kana mid yahay wadamada caalamka ee  uu ka jiro musuqa.

Maxamed C/llaahi Farmaajo,waxaan ku taageeraynaa hadafkiisi ah in uu u istaagay in uu la dagalaamo musuq-maasuqa,waa qof howlkar ah waxbadan ayuu degnaa Mareykanka kana soo shaqeeyey ka hor inta uusan noqonin madaxweyne,sidoo kale dadaalka qeyb ka mid ah waxaa uu yahay in sare loo qaado cududa ciidanka Qaranka Soomaaliya,taasi oo sahlaysa in howlgalka AMISOM ay kala wareegaan ammaanka dalka,”Ayuu yiri Mr Waldhauser.

Warbixintan ayaa ugu dambeyntii lagu sheegay in saraakiisha Midowga Afrika ay la dhacsan yihiin guulaha militari ee ciidamada Soomaaliya,kuwaasi oo la qorsheynayo in ay dhawaan hantaan ammaanka guud ee dalka marka ay baxaan ciidamada AMISOM.

Mareykanka ayaa haatan waxaa Soomaaliya ka jooga ilaa 500 oo askari,kuwaasi oo ka taageera ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM howlgalada ciidan.