Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo gaaray Baydhabo (Sawiro)

Waxaa Magaalada Baydhabo ee Maamulka Koonfur Galbeed maanta gaaray wafdi uu hogaaminayay Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya G/Sare Maxamed Aadan Jimcaale Koofi

Wafdiga Maxamed Koofi ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.

Maxamed Aadan Jimcaale Koofi Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in uu kormeeri doono inta uu Baydhabo ku sugan yahay xarumaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Waxa uu sidoo kale sheegay in uu kulamo la qaadan doona Mas’uuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed.