Abiy Axmed oo la filayo inuu booqashadiisa ugu horeysay ku tago dalka Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa booqasho ku tagi doona dalka Mareykanka, taasoo noqon doonta tii u horeysay uu ku tago dalkaas, waxaana booqashadiisa ay qaadan doonaan labo cisho.

 Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Itoobiya Birtukan Ayano ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu la kulmi doono Mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda Mareykanka, Wakiilada ururada caalamiga iyo jaaliyaddaha Itoobiya oo ka mid ah kuwo ugu ballaaran ee Mareykanka ku nool

Bulshada Itoobiyaanka ee ku nool Mareykanka ayaa ahaa kuwo ugu badan mucaaradka ku ahaa dowladda Itoobiya iyo qaabkii dalkaas u xukumeysay 20-kii sano ee u dambeeyay.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ku tagayo Mareykanka ayaa la filayaa inuu xoojiyo wada hadalo dhex mara dowladda iyo bulshada Itoobiyaanka oo lagu tilmaamo kuwo ugu badan ee ku nool dalka Mareykanka.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday is bedelo si aad ah looga soo dhoweeyay gudaha iyo dibadda, waxaana loo arkaa hoggaamiye wax badan ka bedelay hab dhaqankii lagu yaqiin Itoobiya.

Dowladda Mareykanka ayaa si dhow ula socotay is bedelada ka dhacayay Itoobiyaum, waxayna ku tilmaamtay tallaabo wanaagsan oo horay loogu qaaday dimoqraadiyadda.