Abiy Ahmed oo ka hadlay Qaraxii ka dhacay Adis-Ababa

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo goor dhow la hadlay Tv-ga Qaranka dowladda Itoobiya ayaa faahfaahin ka bixiyay Qarax lala beegsaday goob uu ka Khudbaynaayay oo ku taalla Magaalada Addis Ababa.

Waxaa uu sheegay in tiro dad ah oo Shacab ah ay kasoo gaareen dhaawacyo,islamarkaana uu nabad qabo.

Abiy Ahmed ayaa sidoo kale qiray in ay jiraan dad ku dhintay Qaraxaasi.

Dadka inta badan waxa ay ku dhaawacmeen isbuurasho dadka ay sameeyeen.

Waxaa uu sheegay in Qaraxaasi la doonaayay in lagu waxyeeleeyo dadka Shacabka ee Banaabaxa taageerada ah sameynaayay,islamarkaana laga hortaggay.

Abiy Axmed ayaa xusay in ciidamada Booliska ay waddaan baaritaano ayna saacaddaha soo socda la wadaagi doonaan Shacabka cidii ka dambeysay Qaraxii maanta ka dhacay goobta uu ka Khudbadbaynaayay.

Banaanbaxa ayaa waxaa soo xaadiray Kumanaan ka mid ah Shacabka Itoobiya,kuwaasoo taageerayay Isbadelka dhaqaallaha ee dhawaan uu ku dhawaaqay Abiy Ahmed.