Aabbe Soomaali ah iyo Carruurtiisa oo laga soo Celinayo Dalka Canada

Yuusuf Maaddeey Maxamed,waa Aabbe Soomaali ah oo heysta afar Carruur ah,waxaa lagu wadaa in maalinta Berri oo Isniin ah lagu celiyo dalka Kenya halkaas oo uu markii hore ka galay dalka Canada.

Laanta socdaalka dalka Canada ayaa diidday codsi Ninkaasi gudbiyay oo uu ku dalbanayay in aan la celin hayeeshee ma jirto Jawaab ka soo baxday laanta oo wax ka beddeleysa dib u celinta Ninka Soomaaliga ah iyo Carruurtiisa.

Maxamed waxaa uu Canada galay 2013kii,waxaa uu guursaday  Xaliimo Ibraahim Cali oo heysta dhalashada dalka Canada.

Waxaa ay heystaan saddex Carruur ah oo ay Xaliimo u dhashay iyo Gabar ay Xaliimo Nin kale u dhashay,waxaana uu hadda wajahayaa dib u celin.

Waxaa lagu heystaa in Baasaboor kenyaan ah oo been abuur ah kuna qoran yahay Magaca Farah Muhamed Aballahi, iibsaday sanadkii  1994tii,xilligaasna billaabay codsiga gelintaanka Canada.

Xaaska Maxamed ayaa warqad damaanad ah oo ay iyada ku damiinaneyso Odaygeeda u gudbisay laanta socdaalka Canada lamase aqbalin.

Xaliimo waxaa ay sheegtay in aysan garaneyn sida ay u noolaan karto marka iyada iyo Odaygeeda la kala geeyo Kenya iyo Canada.