Dadka aan Musliimta aheyn ee kunool Magaalo xeebeedka Lamu ee dalka Kenya ayaa bilaabay in ay qaxaan.
Sababta ay dadkaasi ay u qaxayaan ayaa la sheegay in ay tahay Cabsi ay ka qabaan dagaalyahanada Al-Shabaab oo inta badan weeraro ka geysta degaanada hoos yimaada Lamu.
Maalmo ka hor ayaa Meydadka Saddex ruux oo Masiixiyiin ah waxaa la lasoo dhigay duleedka Magaalada Lamu, waxaana taliyaha Ciidamada Booliska Aagasi uu sheegay in dadkaasi ay dileen Al-Shabaab.
Tiro badan oo ka mid ah dadka degaanka ayaa shalay iyo xalay ka baxay Magaalada , waxaana ay sheegeen hadii ay Shabaab qabtaan in ay dilayaan.
Sarkaal Sare oo ka tirsan Ciidamada Booliska ayaa wariyeyaasha u xaqiijiyay in dadka barakacay ay ka badan yihiin boqol qoys.