Ciyaariyahanka wayn ee Didier Drogba ayaa afka furtay kadib markii uu asaga oo ilmeynaya Tacsi u diray Dadka reerĀ Sierra Leone kuwaas oo Roobab Daadad Iyo Dhoobo wato uu ku dhuftay kaas oo sababay dhimashada Dad ka badan 300 Qof halka ilaa iyo hadda lagu la’yahay 600 Qof kuwaas oo loo maleynayo in ay ku hoos jiraan Dhismayaal dumay iyo Dhoobada hoosteeda.
Ciyaariyahan Drogba ayaa sheegay in Saxaafada Caalamka iyo Ururada Caalamiga ah ay ka gaabiyeen ayna warkooda baahin si Aduun weynahu u arko Dhibaatada Meesha ka dhacday oo haddii sida la rabo loo baahin lahaa ay dadka ilaa iyo hadda la dhibaataysan Daadadkii ku dhuftay ay heli lahaayeen Caawinaad.
Si kastaba Drogba ayaa sheegay inuu ka Tacsiyadeeyay Dhimashada meel walba ka jirta Sida Weerarkii Barcelona iyo dhibaatada Freetown ee Daadadka.
Drogba ayaa sheegay inuu ka xunyahay dadka Afrikanka ah in ay ka gaabiyeen garab istaaga walaalahooda la dariska ah asagoo sheegay in dhibaatadii Paris ka dhacday ay ilaa iyo hadda Wali ka muuqato Hashtaga Twitterka ee Ahaa Pray For Paris…