Dowlada dalka Sierra Leone ayaa sheegtay in in ka badan shan boqol oo qof ay dhinteen ka dib markii daadad iyo dhiiqo ay kusoo rogmadeen magaalada Freetown, ee caasimadda dalka Sierra Leone.
Sideed boqol oo qof ayaa la sheegay in wali la la`yahay, waxaana laga cabsi qabaa in dadkaasi ay ku hoos jiraan dhoobada.
Waaxda gurmadka degdeg-ga ee dalka Sierra Leone ayaa sheegtay in lix kun oo qof ay saameysay musiibada ka dhacday dalkaasi.
Waxaan jira dad badan oo ka barakacay guryihii ay deganayeen, kuwaa oo haatan ku nool fasalada dugsiyada wax lagu barto. Mussiibadan ayaa dhacday ka dib markii roobab mahiigan ah oo ka da’ay dalkaasi ay sababeen in buurihi ay soo rogmadaan.