Shir looga hadlaayo isu socodka Xorta ah ee Urur Goboleedka IGAD oo ka socda Kampala

Magaalada Kampala ee Caasimadda  dalka Uganda waxaa ka socda shir looga hadlaayo isu socodka xorta ah ee muwaaddiniinta u dhashay waddamada ku jira Urur Goboleedka IGAD.

Xoghayaha guud ee urur goboleed  IGAD,Maxbuub Macallin oo ka hadlayay shirka ayaa sheegay caqabado badan in ay ka jiraan dalalka ku yaalla Urur goboleed IGAD oo ku saabsan isku socodka.

Shirkaan ayaa loogu tala galay in uu socdo Saddex Maalmood, waxaana ka qeyb galaya  Ururrada Bulshada rayidka ah,kuwa u dhaq dhaqaaqa Xuquuqda aadanaha,Wasiirrada Caafimaadka,arrimaha dibadda,Booliska iyo Milatariga.

IGAD oo la aas aasay January 16, 1986dii,waxaa ajendayaasheeda ka mid ah in muwaaddiniinta u dhashay Waddamada xubanha ka ah Urur Goboleedka IGAD ay si xor ah isku dhexmarikaraan.

Shirkaan ayaa lagu waddaa in lasoo gabagabeeyo Bari ,islamarkaana laga soo saaro qodobo muhiim ah.