Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi Carabeey ayaa sheegay in uu kordhay dhaqaalaha Maamulka Galmudug.
Waxa uu sheegay in Miisaaniyada 6 bil ee Galmudug ay ku shaqeyneyso ay gaareyso 7.2 milyan isla markaana lacagahaasi lagu dabooli doono baahiyaha ay qabaan dadka Galmudug.
Waxa uu tilmaamay in kororka ku yimid dhaqaalaha Galmudug ay sabab u tahay Canshuuraha oo si wanaagsan loo qaaday.
Sidoo kale waxa uu sheegay in shacabka galmudug loo bilaabayo barnaamijyo hormarineed.
Maamulka Galmudug ayaa waday dadaallo kala duwan bilihii lasoo dhaafay taasi oo kor loogu qaadaayo dhaqaalaha maamulka Galmudug.
SHARE Facebook