Qabiil Shahaado ku bixiya Raganimada iyo wiilasha oo lamariyo Imtixaan naftooda ay ku wayn karaan (Sawirro)

Dunida si kasta oo ay u hormarto waxaa jira Dhaqamo aan salguurin hadiise qof aan waxba kala socon uga sheekeyso casriga lagu tilaabsaday waxaaba laga yaaba inuu ku rumeysan waayo.

Haddaba weli waxa jira caadooyin iyo dhaqamo ay leeyihiin bulshooyinka qaarkood, Qabiilka Turkana waxay degaan dalka Kenya gaar ahaan hareeraha harada Turkana.

Qabiiladan ayaa dhaqata Lo’ada iyo Idaha. Waxaana ka mid ah caadooyinkooda in ragga dhallinyarada ah lagu tababaro goobo gaar ah iyagoo la barayo sida waranka loogu dilo libaaxa, Dhulkaasi oo libaaxu ku badan yahay awgeed.

Waxaana caadoyinka ka mid ah in waajib laga dhigo inuu nin kasta keligii dili karo libaax, taasi oo ah halka uu ku qaadanyo shahaadada Raganimada.

Marka ninku uu libaaxaasi u bareero ee uu la dagaalamo oo  dilo ayaa loo qirayaa inuu yahay shakhsi qaatay magaca Nin.

Waxaana la sheegay in badankoodu libaax ay ku dilaan hal waran oo keliya oo ay kaga dhuftaan labada indhood dhexdooda.

Waxaa la sheegay haddii uusan wiilka dhalinyarada ah uusan dilin libaax uusan qaadan karin magaca Nin uusana guursan karin Gabdhaha deegaankiisa sidaas daraadeed waxa ay u bareeraan qatarta ka imaan karta Xayawaankan halista ah ee Libaaxa.

Waxaa jirta in ay waxyeelo badan kasoo gaarto Libaaxa ay la dagaalamaan kuwaasoo mar mar Libaaxu cuno ama uu dhaawac Halis ah soo gaarsiiyo

Sidaan si la mid ah waxaa sameeya Qabiilo badan oo kamid ah Kenya.