Kuuriyada Waqooyi oo sheegtay in Bartamaha Bishaan duqayn ka geysan doonaan Mareekanka

Taliska Waqooyiga kuuriya ayaa sheegay in ay qorsheynayaan bartamaha bisha august in ay duqeyn ka geestaan gudaha dalka Mareykanka gaar ahaan jaziirada Guam waxaana waqooyiga kuuriya ay sheegtay in ay diyaarineyso mid kamid ah gantaaladeeda ridda dheer.

Hadalka  kasoo baxay warbaahnita qaranka waqooyiga kuuriya ayaa loogu dhawaaqay in Kim Jon Un uu go’aansaday ridida gantaal isaga gudba qaaradaha kaa oo ka dhan ah dalka mareykanka.

Goobta Guam ayaa waqooyiga kuuriya u jirta 3,356-KM waxaaa ay ku qaadaneysaa 1,65 second waxaana biyaha uu sii  dhaxmari doonaa 30-40-KM oo ka fog jaziirada Guam.