Dalka Mareekanka ayaa maalmahii u dambeeyay waxaa ka dhacayay weerao la xariira Islaam naceybka, islamarkaana ay gaysanayaan dad cunsuriyiin ah oo u dhashay dalkaasi, ayaa Soomaalida ku nool Mareykanka waxa ay dalbadeen Dowladda inay wax ka qabato dhibaatooyinka Islaamka loo gaysto.
Maalin ka hor ayeey aheyd markii qarax lagu tuuray Masaajid ku yaala Magaalada Bloomington ee Gobolka Minnesota, falkaasi oo uu ka dambeeyay nin cadaan ah oo dalkaasi u dhashay.
Maareeyaha Guud ee Masaajidka Darul-Faaruuq, Maxamed Maxamuud Cumar (Maxamed Carab) oo Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay falalka beegsiga dadka Islaamka lagu haayo inay argagax ku abuurtay dad badan oo Islaam ah.
Wuxuu sheegay Dowladda inay uga fadhiyaan wax ka qabashada dhibaatooyinka sida tooska ah loogu bareeraayo dadka Muslimiinta ah ee ku nool dalka Mareykanka.
“Run ahaan tii waa fal argagax leh, oo fool xun waan cambaareynaynaa, Guud ahaan Somalida degan dalka Mareykanka ayaa waxa ay muujijanayaan walaac arintani soo cusboonaatay waxaana ka codsanaynaa laamaha amaanka in ay wax ka qabtaan.”, Ayuu yiri.
FBI-da Mareykanka ayaa ku hawlan baaritaanka qarax lagu tuuray Masaajidka, inkastoo illaa hadda laamaha ammaanka aaney war ka soo saarin arintaasi.
Muslimiinta ku nool dalka Mareykanka ayaa falkaan wuxuu geliyay cabsi lixaad leh oo ku aadan in la bartilmaameedsado ayadoo dad badan oo Muslimiin ah lala beegsaday weeraro kala duwan kuwaas oo la xariira Falal Islaam nacayb ah.
SAWIRRO