Wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Maxamed Ibraahim Daauud( Riyaale ) kana mid ahaa  shaqaalaha shirkadda dhismaha ee Barre Construction Xafiiska Berbera ayaa la arkay isaga oo ku deldelan kushiinka gurigiisa oo kuyaalay Xaafadda xudhuunka ee Berbera.
Maxamed ayaa la sheegay inuu caafimaad ahaan wanaagsanaa uuna u diyaar garoobay Aqal galkiisa dhawaan waa sida laga soo xigtay Saaxiibada u dhow Maxamed.
Guriga lagu arkay dhibanahan ayaa la sheegay in uu ahaa guriga uu u diyaarsaday Arooskiisa ilaa iyo hadda ma cadda in uu asagu is dal dalay iyo in falkaan uu gaystay qof kale balse wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan inuu asagu is del delay.
waxayna intaas ku dareen in saacadihii u dambeeyey ee ay nolol ku ogaayeen balse uu walaac badani ka haystay arooskiisa iyo qaabka uu u dhacaayo .
meydka Maxamed Ibraahim ayaa loo qaaday magaalada Gabiley oo ahayd deegaanka uu ka soo jeeday halkaasoo la doonayo in meydkiisa lagu aaso.