Gabar Soomaaliyeed oo markale xil muhiim ah ka qabatay dalka Mareekanka (Sawirro)

War qoraal ah oo ka soo baxay waaxda Arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa lagu faah faahiya waxyaabaha loo doortay gabar Soomaaliyeed oo ka guuleysatay tartamayaal badan.

Waxaa lagu sheegey qoraalkan  in Munira Khalif oo ah Gabar Soomaaliyeed ee waxkabarata dalka Mareykanaka ay ku guuleysatay in ay xil ka qabato hay’adda QM u qaabilsan Barnaamijka Youth Observer to United Nations oo ah horumarinta dhalinyarada ee UNA_USA oo la aasaasy sanadkii 2012kii si Dhalinyaradu ay uga qeybgalaan arrimaha Caalamiga ah.
Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa  iyadoo la kaashaneysa Ururka Hay’addan Qaramada Midoobay qaybteeda Mareykanka ku faraxsan shaaca ka qaadista  in Munira Khalif loo doortay inay noqoto qofka dhallinyarada ah ee sannadkan Mareykanka korjooge ahaan u metalaya Barnaamijka horumarinta dhalinyarad ee QM qeybta Mareykanka.
Munira Khalif oo ah gabar Soomaaliyeed oo reer Minnesota ah waxaa laga soo dhex xushay tartamayaal aad u badan kuwaasi oo kor u dhaafayaa ilaa 300 boqol oo qof waxayna ka kala socodeen Jaamacadaha kuyaala dalkaasi Mareykanka.
Munira waxa ay Jaamacadda Harvard ka barataa maadooyinka dhaqaalaha iyo maamulka dawladda,Waxay hore u aasaastay urur ka shaqeeya sidii gabdhaha Bariga Afrika u heli lahaayeen waxbarasho loo siman yahay.
Sidoo kale waxa ay si weyn Hay’adda Qaramada Midoobay uga ololeysay arrimaha dumarka iyo gabdhaha iyo in dhallinyarada la siiyo door xooggan oo ay uga qaybqaataan danaha guud.
Waxay ka geybgalaysaa Muniiro shirka 72aad ee Hay’adda UNA-USA oo magalaaad Newyorka ka dhacaya bisha September ee soo socota,ayadoo matalaysa Dhalinyarada Mareyakanka.

SAWIRRO